Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Society & Culture
Business
Sports
History
News
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
00:00 / 00:00
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts122/v4/b9/bf/74/b9bf7476-6cd1-33ec-bf55-5df3b5746b96/mza_12607374431097954586.jpeg/600x600bb.jpg
Al-Saadicuun Bil-Xaq
Al-Saadicuun Bil-Xaq
514 episodes
1 week ago
Waa barta rasmiga ah ee Jamaacada Al-Sadicuun Bil-Xaq. Halkan waxaad ka helaysaa codadka barnaamijyada sida joogtada ah uga baxa madalaha Jamaacadu ay ku leedahay baraha bulshada. Taabo Subscribe si aadan u moogaan codadka ka baxa madashaan.
Show more...
Religion & Spirituality
RSS
All content for Al-Saadicuun Bil-Xaq is the property of Al-Saadicuun Bil-Xaq and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Waa barta rasmiga ah ee Jamaacada Al-Sadicuun Bil-Xaq. Halkan waxaad ka helaysaa codadka barnaamijyada sida joogtada ah uga baxa madalaha Jamaacadu ay ku leedahay baraha bulshada. Taabo Subscribe si aadan u moogaan codadka ka baxa madashaan.
Show more...
Religion & Spirituality
Episodes (20/514)
Al-Saadicuun Bil-Xaq
𝘿𝙝𝙪𝙜𝙪𝙣𝙨𝙤𝙤𝙮 𝙆𝙞 𝘿𝙝𝙖𝙜𝙖𝙣 - TOWXIID (AF-MAAY) - 4aad

Waybuwaa barnaamij siinka tala gali jamaacada #Al_Saadicuun_Bil_Xaq oo lunku warama doono xaqiiqada Towxiidka diinta Islaamka, waana ka bahaw Af Maay

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq

Show more...
2 years ago
4 minutes 39 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
𝘿𝙝𝙪𝙜𝙪𝙣𝙨𝙤𝙤𝙮 𝙆𝙞 𝘿𝙝𝙖𝙜𝙖𝙣 - TOWXIID (AF-MAAY) - 3aad

Waybuwaa barnaamij siinka tala gali jamaacada #Al_Saadicuun_Bil_Xaq oo lunku warama doono xaqiiqada Towxiidka diinta Islaamka, waana ka bahaw Af Maay

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq

Show more...
2 years ago
6 minutes 38 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
𝘿𝙝𝙪𝙜𝙪𝙣𝙨𝙤𝙤𝙮 𝙆𝙞 𝘿𝙝𝙖𝙜𝙖𝙣 - TOWXIID (AF-MAAY) - 2aad

Waybuwaa barnaamij siinka tala gali jamaacada #Al_Saadicuun_Bil_Xaq oo lunku warama doono xaqiiqada Towxiidka diinta Islaamka, waana ka bahaw Af Maay

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq

Show more...
2 years ago
7 minutes 18 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
𝘿𝙝𝙪𝙜𝙪𝙣𝙨𝙤𝙤𝙮 𝙆𝙞 𝘿𝙝𝙖𝙜𝙖𝙣 - TOWXIID (AF-MAAY) - 1aad

Waybuwaa barnaamij siinka tala gali jamaacada #Al_Saadicuun_Bil_Xaq oo lunku warama doono xaqiiqada Towxiidka diinta Islaamka, waana ka bahaw Af Maay #Al_Saadicuun_Bil_Xaq

Show more...
2 years ago
7 minutes 11 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 19aad

Sidii labadii xalaqo ee ka horreysay, xalaqadaan waxaa la sii wadayaa ka hadalka sida Qur'aanku uga soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada dhimashada iyo waxa ku hareereysan. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
2 years ago
19 minutes 11 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 18aad

Xalaqadaan waxaa la sii wadayaa sida Qur'aanka uga soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada dhimashada iyo axwaasheeda.

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
2 years ago
17 minutes 54 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 17aad

Xalaqadaan waxaa looga hadlayaa sida ilaahnimada Allaah, awooddiisa iyo khasbidiisu uga muuqaneyso xaaladda dhimashada oo uusan jirin noole ka baaqsan kara, dhammaanna ay u sandulleysan yihiin doonista Allaah iyo ajasha uu u qabtay noole kasta. Waxaa kale oo si cad u muuqaneys taagdarrida iyo tabar yarida aadanaha oo noocwalba uu yahay aysan jirin wadda kale oo u furan illaa in uu u hoggaansamo doonista Allaah mooyee.

 #Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
2 years ago
17 minutes 50 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 16aad

Xalaqaadkii hore waxaa looga soo hadlay sida Qur'aanku u soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada iyo meelaha uu ka bandhigo taas oo hadafku yahay in Allaah aqoon loo yeesho keenta in ilaahnimada iyo rabbinimada loo gaaryeelo oo aan cidna lala waajin, lagana fogaado shirkiga dhammaantiis. Xalaqadaan waxaa dul istaag lagu sameynayaa in la caddeeyo shirkaga laga fogaanayaa in uusan aheyn oo kaliya asnaamtii, dhagaxyadii iyo xiddigihii ay caabudi jireen ummadihii hore ee ay jiraan waxyaabo badan oo asnaamta la mid ah in badan oo dadka ka mid ihina aysan ku baraarugsaneyn, lagama maarmaanna ay tahay in dadka loo caddeeyo, loogana digo. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
2 years ago
19 minutes 11 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 15aad

Xalaqadaan waxaa la dhmmeystirayaa ka hadalkii sida Qur'aanku uga soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada maalinta qiyaamaha iyo muujinta sida maalintaas Allaah ula gaar noqonayo ilaahnimada, rabbi nimada, lahaanshaha iyo awoodda. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
17 minutes 11 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 14aad

Xalaqadaan waxaa la sii wadayaa sida Qur'aanka uga soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada maalinta qiyaamaha iyo muujinta sida maalintaas Allaah ula gaar noqonayo ilaahnimada, rabbi nimada, lahaanshaha iyo awoodda. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
17 minutes 57 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 13aad

Xalaqadaan waxaa looga hadlayaa sida Qur’aanku uga soo bandhigo xaqiiqada Ilaahnimad maalinta qiyaamaha oo runtii ah meelaha ugu ballaaran ee uu Qur’aanku u adeegsado bandhigidda xaqiiqada Ilaahnimada, halkaas oo ay si weyn ugu soo muuqandoonto sida uu Allaah ula kaliya yahay ilaahnimada iyo rabbinimada, lahaanshaha iyo awoodda, iyada oo dhanka kale ay muuqaneyso taagdarida iyo ka dharbeelidda dawaaqiiddii adduunyada sheegan jirtay ilaahnimada iyo rabbinimada.  

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
23 minutes 37 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 12aad

Xalaqadaan waxaa la sii wadayaa sida xaqiiqada ilaahnimadu uga muuqaneyso kownka iyo guud ahaan nolosha, maadaama ay tahay bandhig laga dheehan karo falsuubanaanta Allaah iyo farsamadiisa, iyada oo Qur'aanku kula hadlayo garaadka aadanaha, tusayana weynaanta sancada Allaah, quruxdeeda, dhammeystirnaanteeda iyo isla jaanqadkeeda indhuhu ay arkayaan.  

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
17 minutes 47 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 11aad

Xalaqadaan waxaa la sii wadayaa sida xaqiiqada ilaahnimadu uga muuqaneyso kownka iyo guud ahaan nolosha, maadaama ay tahay bandhig laga dheehan karo falsuubanaanta Allaah iyo farsamadiisa, iyada oo Qur'aanku kula hadlayo garaadka aadanaha, tusayana weynaanta sancada Allaah, quruxdeeda, dhammeystirnaanteeda iyo isla jaanqadkeeda indhuhu ay arkayaan. 


#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
19 minutes 56 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 10aad

Xalaqadaan iyo xalaqaadka soo socda waxaa looga hadlayaa sida xaqiiqada ilaahnimadu uga muuqaneyso koonka iyo guud ahaan nolosha, maadaama ay tahay bandhig caddaynaya falsuubanaanta Allaah iyo farsamdiisa, iyada oo uu Qur’aanku kula hadlayo garaadka aadanaha, ku soo jeedinayana weynanta sancada Allaah, quruxdeeda, dhammeystirnaanteeda iyo isla jaanqaadkeeda indhuhu ay arkayaan. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
17 minutes 50 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 9aad

Xalaqadaan waxaa la sii wadayaa sida manhajka Qur’aanka u soo bandhigo xaqiiqada ilaahnimada isaga oo adeegsanaya sifaadka Allaah uu la gooniyada yahay ee aan cidi la wadaagin. Waxaa xalaqadan diiradda la saarayaa sida Ilaahnimada Allaah uga muuqaneyso qasbidda iyo hanashada uu ku hareereynayo kownka dhammaantiis adduun iyo aakhiraba. Sida uu Allaah u ogyahay, ulana socdo dhammaan axwaasha bani’aadanka ayuu u yahay qasbe awood badan oo hanta waxwalba oo adduun iyo aakhira ku saabasan, iyada oo aysan jirin meel looga cararo ama looga baxsado.  

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
20 minutes 16 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 8aad

Sidii xalaqadii hore looga soo hadlay qadiyadda risqig iyo kafaalaqaadka, xalaqadaan waxaa diiradda lagu saarayaa arrinta la xiriirta sida uu Allaah ogaal iyo duljoog ugu koobay insaanka oo noloshooda dhammaanteed u tahay mid u bandhigan cilmiga Allaah oo aysan jirin wax ka qarsoomaya ha ahaato waxa ay muujisanayaa ama ha ahaato waxa ay qarsanayaan. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
18 minutes 57 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 7aad

Xalaqada waxaa looga hadlayaa in manhajka Qur'aanku marka uu soo bandhigayo xaqiiqada ilaahnimada uusan culeys saareyn caddeynta jiritaanka Allaah, laakiin uu culeyska saaro caddeynta xaqiiqada sifooyinka Allaah uu leeyahay, dadkana uu baro, kana saxo khaladaadka iyo khuraafaadka ku sameysmay maskaxdooda. Sidaas oo kale in uusan manhajka Qur’aanka sixitaankiisu ku koobneyn khaladaadkii iyo wareerkii dadku ku jireen soo dagista Qur’anka ka hor ee uu si lamid ah u saxayo khaladaadka iyo wareerka manta heysta daka casrigan joga. Qur’aanku soo bandhigidda xaqiiqada Ilaahnimada waxa uu u cuskadaa arrimaha uu la gaarka yahay Allaah sida: Abuurista iyo nooleynta, risqiga iyo kafaalaqaadka, mamulidda iyo korjoogga, cilmiga iyo koobidda, hanashada iyo awoodda iyo soobixinta iyo abaalmarinta. Waa arrimo uu gaar la yahay Allaah oo cid la wadaagtaa aysan jirin. Waxaa si gaar ah xalaqadaan farta loogu fiiqayaa arrinta risqiga iyo kafaalaqaadka.    

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha 

#Daawasho_wacan

Show more...
3 years ago
18 minutes 37 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 6aad

Waxaa la sii wadayaa sida manhajka Qur'aanku xaqiiqada ilaahnimada uga soo bandhigo nolosha insaanka iyo marxaladaheeda kala duwan. Xalaqadan waxaa diiradda la saaraya dhacdooyinka nolosha insaanka: sameysanka ummadaha iyo dabargo'ooda si waafaqsan dariiqa Allaah ugu talagalay, qaddarkiisuna keensanayo, sida cilmiga Allaah iyo maamulkiisu u hareereeyaan nolosha insaanka halkaas oo ay aad uga muuqaneyso la kalinoqoshada Allah ee maamulka iyo socodsiinta nolosha aadanaha iyo gadgaddinteedaba.   

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
19 minutes 5 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 5aad

Xalaqadan waxaa la sii wadayaa sida manhajka Quraanka uga soo bandhigo xaqiiqada Ilaahnimada nolosha aadanaha, marxaladaheedii iyo dhacdooyinka joogtada ah ee saameynaya nolosha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo nicmooyinka aan la koobi karan, awoodaha loo sakhiray, kartida la siiyey, quudka aan dhammaaneyn, naxariista ballaaran ee Allaah ku manneystay insaanka iyo turidda iyo tixgalinta taagdarrada aadanaha iyo ka aqbalidda towbada marka ay soo noqdaa. 

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
18 minutes 48 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
KULANKA JIMCAHA (Xilliga 4aad) Xalaqada 4aad

Xalaqadan waxaa looga hadlayaa sida manhajka Quraanka uga muujiyo xaqiiqada Ilaahnimada Nolosha dadka, maraxaladaheedii kala duwanaa iyo dhacdooyin ku dhacay ama ku soo cusboonaanaya, iyada oo laga soo bilaabayo bilowgii koowaad iyo cusboonaanshaheeda joogtada ah ee uu saldhigga u yahay lammaanaha suragalinaya jiritaanka aadanaha.  

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq 

#Kulanka_Jimcaha

Show more...
3 years ago
16 minutes 37 seconds

Al-Saadicuun Bil-Xaq
Waa barta rasmiga ah ee Jamaacada Al-Sadicuun Bil-Xaq. Halkan waxaad ka helaysaa codadka barnaamijyada sida joogtada ah uga baxa madalaha Jamaacadu ay ku leedahay baraha bulshada. Taabo Subscribe si aadan u moogaan codadka ka baxa madashaan.