
Xalaqadan waxaa la sii wadayaa sida manhajka Quraanka uga soo bandhigo xaqiiqada Ilaahnimada nolosha aadanaha, marxaladaheedii iyo dhacdooyinka joogtada ah ee saameynaya nolosha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo nicmooyinka aan la koobi karan, awoodaha loo sakhiray, kartida la siiyey, quudka aan dhammaaneyn, naxariista ballaaran ee Allaah ku manneystay insaanka iyo turidda iyo tixgalinta taagdarrada aadanaha iyo ka aqbalidda towbada marka ay soo noqdaa.