
Xalaqadaan waxaa looga hadlayaa sida Qur’aanku uga soo bandhigo xaqiiqada Ilaahnimad maalinta qiyaamaha oo runtii ah meelaha ugu ballaaran ee uu Qur’aanku u adeegsado bandhigidda xaqiiqada Ilaahnimada, halkaas oo ay si weyn ugu soo muuqandoonto sida uu Allaah ula kaliya yahay ilaahnimada iyo rabbinimada, lahaanshaha iyo awoodda, iyada oo dhanka kale ay muuqaneyso taagdarida iyo ka dharbeelidda dawaaqiiddii adduunyada sheegan jirtay ilaahnimada iyo rabbinimada.