
Xalaqadaan iyo xalaqaadka soo socda waxaa looga hadlayaa sida xaqiiqada ilaahnimadu uga muuqaneyso koonka iyo guud ahaan nolosha, maadaama ay tahay bandhig caddaynaya falsuubanaanta Allaah iyo farsamdiisa, iyada oo uu Qur’aanku kula hadlayo garaadka aadanaha, ku soo jeedinayana weynanta sancada Allaah, quruxdeeda, dhammeystirnaanteeda iyo isla jaanqaadkeeda indhuhu ay arkayaan.