
Xalaqada waxaa looga hadlayaa in manhajka Qur'aanku marka uu soo bandhigayo xaqiiqada ilaahnimada uusan culeys saareyn caddeynta jiritaanka Allaah, laakiin uu culeyska saaro caddeynta xaqiiqada sifooyinka Allaah uu leeyahay, dadkana uu baro, kana saxo khaladaadka iyo khuraafaadka ku sameysmay maskaxdooda. Sidaas oo kale in uusan manhajka Qur’aanka sixitaankiisu ku koobneyn khaladaadkii iyo wareerkii dadku ku jireen soo dagista Qur’anka ka hor ee uu si lamid ah u saxayo khaladaadka iyo wareerka manta heysta daka casrigan joga. Qur’aanku soo bandhigidda xaqiiqada Ilaahnimada waxa uu u cuskadaa arrimaha uu la gaarka yahay Allaah sida: Abuurista iyo nooleynta, risqiga iyo kafaalaqaadka, mamulidda iyo korjoogga, cilmiga iyo koobidda, hanashada iyo awoodda iyo soobixinta iyo abaalmarinta. Waa arrimo uu gaar la yahay Allaah oo cid la wadaagtaa aysan jirin. Waxaa si gaar ah xalaqadaan farta loogu fiiqayaa arrinta risqiga iyo kafaalaqaadka.