
Waxaa la sii wadayaa sida manhajka Qur'aanku xaqiiqada ilaahnimada uga soo bandhigo nolosha insaanka iyo marxaladaheeda kala duwan. Xalaqadan waxaa diiradda la saaraya dhacdooyinka nolosha insaanka: sameysanka ummadaha iyo dabargo'ooda si waafaqsan dariiqa Allaah ugu talagalay, qaddarkiisuna keensanayo, sida cilmiga Allaah iyo maamulkiisu u hareereeyaan nolosha insaanka halkaas oo ay aad uga muuqaneyso la kalinoqoshada Allah ee maamulka iyo socodsiinta nolosha aadanaha iyo gadgaddinteedaba.