Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Society & Culture
Business
Sports
Technology
Health & Fitness
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
Podjoint Logo
US
00:00 / 00:00
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts115/v4/57/67/e3/5767e300-7caf-d79d-7df6-71ba0db5ffdd/mza_8469653375400394330.jpg/600x600bb.jpg
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
Avalites Foundation
17 episodes
1 week ago
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed. Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso. La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta. Mahadsanid.
Show more...
Education
RSS
All content for PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION is the property of Avalites Foundation and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed. Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso. La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta. Mahadsanid.
Show more...
Education
Episodes (17/17)
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
Dhaxalkii Aqooneed ee Maxamad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #8

09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa.

Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono.

Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Dhagaysi wanaagsan.

***

Cambaabur Pocast kal soco: 

Apple Podcasts

https://apple.co/3nAj3Bg

Spotify

https://spoti.fi/3nz0762

Google Podcasts

https://bit.ly/3xzwje5

Anchor

https://bit.ly/3nz2Hcl

Breaker

https://bit.ly/3u98hED

Overcast

https://bit.ly/3gPsfR9

Pocket Casts

https://bit.ly/3t7g7NZ

RadioPublic

https://bit.ly/3e41LcQ

Youtube

https://bit.ly/3em1X7r

Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.

Show more...
4 years ago
1 hour 6 minutes 4 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
Sooyaalkii iyo Waayihii Maxammad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #7

46 minutes 32 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
SHEEKO-FANEEDDA: Sooyaalkega, Jaadadkeega, Sida Loo Akhriyo| Maxamed Siciid Mire | CAMBAABUR PODCAST

Waa mar kale iyo Cambaabur Podcast

Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay:

Sooyaalka Sheeko-faneedda,

Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya,

Jaadadka sheeko-faneedka,

Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa,

iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha.

Dhagaysi wacan

#Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida, رواية_الصومالية#, #SomaliNovel

Show more...
4 years ago
1 hour 11 minutes 13 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
XADAASADA-KA-DIB: SIDEE AYAY U NAQDISAY XADAASADA | CAMBAABUR PODCAST |#05| CUMAR CALI BAASHE (2/2)

Waa Cambaabur Podcast #5  

Kulankan waxa uu daba socdaa kii hore ee #4, Cumar Cali Baashe ayaa sii  wada qaadaadhigista fahanka XADAASADA IYO XADAASADA-KA-DIB. Qaybtanna  waxa aan ku eegaynaa sida uu dhaqdhaqaaqa XADAASADA-KA-DIB U NAQDIYAY  XADAASADA?  (Xadaasada-ka-dib/Post Modernity/ما بعد الحداثة ), si lamid  ah sidii horena waxa aan ka hadli doonna curashadeedii iyo  taabbagalkeegii, dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha  seesdhigga u ah.   

Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.   

***  

Ku Taxnaw Cambaabur Podcast oo kala soco: 

Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg 

Spotify https://spoti.fi/3nz0762 

Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 

Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl 

Breaker https://bit.ly/3u98hED 

Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 

Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ 

RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ 

Youtube https://bit.ly/3em1X7r 

Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. 

Ku taxnaw oo SUBSCRIBE - LIKE - SHARE.   

#AvalitesFoundation​ 

#CambaaburPodcast

Show more...
4 years ago
43 minutes 11 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
XADAASADA: MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY? | CAMBAABUR PODCAST | #04 | CUMAR CALI BAASHE (1/2)

Waa Cambaabur Podcast #4   

Kulankan waxa uu Cumar Cali Baashe ku qaadaa dhigayaa fahanka XADAASADA:  MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY?  (Xadaaso/Modernity/الحداثة ),  curashadeedii iyo taabbagalkeegii. Sidaas oo kale dhinacyada ay  saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah.   

Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.  

 Ku Taxnaw Cambaabur Podcast,  

SUBSCRIBE - LIKE - SHARE.

#AvalitesFoundation

 #CambaaburPodcast

Show more...
4 years ago
56 minutes 56 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
CABDIWAHAAB AL-MASIIRI: MAALMIHIISII IYO MUCDA FIKIRKIISII | RIDWAAN MAXAMUUD SHEEKH (MAYGAAG)

Cabdiwahaab Almasiiri (1938-2008) wuxu ahaa faylasuuf Masaari ah oo waxsoosaar badan, waxsoosaarkiisuna saamayn badanaa, noloshiisii iyo imikaba. Sidaas oo kale wuxu ahaa Indheergarad magiciisa iyo miisaankiisa aqooneed kaga qaybqaata masraxa guud. Qof ahaan Cabdiwahaab wuxu maray isbadallo rumayneed oo isku lid ah mararka qaar intii uu noolaa, raadna kaga tagay fikirkiisa.    Ridwaan Maxamuud Sheekh (Maygaag) ayaa jeedin muxaadaradan oo ciwaankeegu yahay: Cabdiwahaab Al-Masiiri: Maalmihiisii iyo Mucda Fikirkiisii.   #المسيري​ #Elmessiri​ #Avalites

Show more...
4 years ago
45 minutes 20 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
QORMO CODEED - #1 | SAHANKA RAAGE: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Qormadan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa curiyay, waxa lagu faafiyay Bandhige Sebtambar 01, 2020 iyada oo qoraal ah. Codkiisa isaga oo ku gudbinaya ayaan halkanna ku faafinaynaa iyada oo ah Qorm Codeed ah. 

Halkan ka akhri:

https://bandhige.com/maqaallo/sahanka-raage-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud

Halkan kala xidhiidh qoraaga:

https://www.facebook.com/abdirahman.adan.98

Show more...
4 years ago
13 minutes 56 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
KACAANKA WARSHADAHA & CURASHADA BULSHADA CASRIGA | MUSTAFE FAYRUUS

Muxaadaradan ciwaankeedu yahay KACAANKA WARSHADAHA IYO CURASHADA  BULSHADA CASRIGA AH: Saamaynta Tiknoloojiyaddu ku Leedahay Nolosha  Aadamaha waxa ay qayb ka tahay silsiladda muxaadarooyinka Avalites  Foundation.   Macalin Mustafe Faysruus oo bare sare iyo baadhe ah ayaa ka jeediyay  Maktabadda Qaranka ee Soomaalilaan, 11 Sep 2020 ka.

Show more...
5 years ago
1 hour 14 minutes 31 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
CAMBAABUR PODCAST | #03 | HAAYADAHA FIKIR-DHALINTU MAXAY YIHIIN, SIDAYSE U SAQEEYAAN | MUSTAFE FAYRUUS. (3/3)

Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus.

Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan   Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa   cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha   Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo  Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af  Soomaaliga-AGA.

Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada   xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida   ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa   lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.

Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka  jira  daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen  iyo  marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo  kale  naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta  iyo  meelaha ay horumarinta uga baahantahay.

Waxa kale oo aan ka  hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno  "ThinkTanks" shaqada ay  qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay  uga jiraan carriga  Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.

Qaybtii saddexaad uguna danbaysay weeyi tani, tii koobaad iyo labaad ka dhagayso isla meesha aad ka  dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites  Foundation oo  "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, barnaamujyada cusubna halkaas kala soco.

Dhagaysi wacan.

Show more...
5 years ago
51 minutes 4 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
CAMBAABUR PODCAST | #02 | HAAYADAHA SAMEEYA CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED, AJANDAYAASHA IYO CAQABADAHA | MUSTAFE FAYRUUS. (Q2aad)

Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus.

Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan  Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa  cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha  Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.

Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada  xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida  ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa  lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.

Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira  daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo  marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale  naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo  meelaha ay horumarinta uga baahantahay.

Waxa kale oo aan ka  hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay  qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga  Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.

Qaybtii labaad weeyi tani, tii koobaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites  Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, qaybyta saddexaad ee soo socta iyo kuwa cusubba halkaas kala soco.

Halkan kala soco Mustafe Fayruus:

https://www.facebook.com/MustafaFeiruz/

Dhagaysi wacan.

Show more...
5 years ago
45 minutes 38 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
CAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (Q1aad)

Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus. 

Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.

Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. 

Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay hore u marinta uga baahantahay.

Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.

Dhagaysi wacan.

Show more...
5 years ago
48 minutes 32 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
QOFKA, BULSHADA IYO BARAHA BULSHADA: Fursado, Cillado iyo Cabsiyo | Ayaanle Hoorri & Cabdillaahi Raage "Sayidka" [PODCAST TEST #1]

Baraha bulashadu waa shaacsane (phenomenon) casri ah, baadhisyada ku sahabsani bilaw yihiin lakiin saamayn wayn oo baaxadda doodaha la xidhiidha ay taxanyhiin fiqiga diinta illaa falsafadda nolosha. Qaddiyado doodahaas la xidhiidha ayay Ayaanle Hoorri iyo Cabdillaahi Raage "sayidka" kaga sheekaysteen fadhigan.

Waxa ka mid ah qaddiyadahaas 

#1 Dimuqraadiyadda iyo Baraha bulshada, 

#2 Caafimaadka nafeed ee qofka. xidhiidhada qoys iyo baraha bulshaad, 

# 3 Amaanka xogta qofka iyo ta umaddeed xilligan ay xog ururinta aan abid hore u dhicin shirkada barasha bulshadu sameeyeen 

# 4 Qumanaanta qofka iyo qaabka ay baraha bulshadu u saameeyeen, una qaabeeyeen qaab nololeedkiisa. 

Baahitani waxa ay hordhac iyo tijaabo u tahay bodkaastiyo (PODCASTS) ay Avalites ay samayn doonto timaadada dhaw. Waxa aan ku rajowaynnahay in uu idin cajabiyo bodkaaskani, baahi wayna waxa aan u qabnaa aragtidiina.  DHAGAYSI WACAN. 

Show more...
5 years ago
48 minutes 34 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
TAARIIKHDA IYO XASUUSTA: AKHRISKA BUUGGA "KALAHAADKII MUQDISHO" | CABDILLAHI RAAGE

Naadiga Akhriska iyo Falanqaynta Doodaha ee Ogaal oo fadhigiisu yahay Boorama iyo Haayadda Dhaqan ee Avaliteis ayaa kulankan wadajir u qabtay 28 Feb, 2020.

Cabdillaahi Raage, oo ka tirsan Avaliteis waxa uu muxaadaradan ku akhrinayaa buugga Yuusuf Maxammad Xayd ee Kalahaadkii Muqdisho indhaha labada fahan ee Xasuusta iyo Taariikhda. Wuxuna soo gudbinayaa dood buuga u arkaysa hanti ay tahay in lala  falgalo, loona adeegsado sida taariikhda akaadamiga ahi u adeegsato dhukumentiyada qoran. 

Dhagaysi wacan.

Show more...
5 years ago
52 minutes 34 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
BEERTA XAWAYAANKA: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGE

Sheekada Beerta Xawayaanka ee uu curiyay qoraagii reer Ingiriis ee Joorj Orwil oo ka mid ah sheekooyinka dunnida kuwa ugu caansan ayuu Cabdillaahi Raage ku falanqeeyay 17 Ogtoobar 2017 kii Madasha Buugga oo ah koox Faysbuug oo buugta lagu wadaago, laguna falanqeeyo. Muuqaalkan oo ah kii sida tooska ah (live) uga baxay madasha ayaan mar kale halkan idinku la wadaagnay.

 Dhagaysi wacan.

Show more...
5 years ago
45 minutes 56 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
MAGAALAWGA IYO GABAY-JACBURKA DHOODAAN- AYAANLE HOORRI | Avalites Foundation
Muxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.    Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay:   - Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan,  - Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad?  - Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas?  - Albaynaynta gabay jacburka maxaa ku jabay?  - Ugu dambayn, maxay ka dhigan tahay in aynu ‘dhaxalno’, xilligan, gabay-jacburka Dhoodaan?  Dhagaysi wacan. 
Show more...
5 years ago
1 hour 34 minutes 51 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
SADDEX NAFOOD: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGE | AVALITES FOUNDATION

Kulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood.  

Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay:  

- Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed?   

- Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban?   

- Saddex Nafood ma noqon kartaa maaddo gorfayneed? Sidee bay se gorfayntaasi, dood ahaan, u eekaan kartaa?  AVALITES FOUNDATION waa haayad dhaqan (culture) oo awoodda saarta qofka iyo dheefta uu ka dhaxlayo shaqooyinka aqooneed.

Show more...
5 years ago
1 hour 11 minutes 47 seconds

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION (Trailer)
5 years ago
57 seconds