Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Society & Culture
Business
Sports
Technology
Health & Fitness
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
Podjoint Logo
US
00:00 / 00:00
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts115/v4/57/67/e3/5767e300-7caf-d79d-7df6-71ba0db5ffdd/mza_8469653375400394330.jpg/600x600bb.jpg
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
Avalites Foundation
17 episodes
1 week ago
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed. Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso. La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta. Mahadsanid.
Show more...
Education
RSS
All content for PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION is the property of Avalites Foundation and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed. Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso. La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta. Mahadsanid.
Show more...
Education
https://d3t3ozftmdmh3i.cloudfront.net/production/podcast_uploaded_episode/2763965/2763965-1598979220625-76e84d0a6b057.jpg
CAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (Q1aad)
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
48 minutes 32 seconds
5 years ago
CAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (Q1aad)

Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus. 

Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.

Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. 

Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay hore u marinta uga baahantahay.

Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.

Dhagaysi wacan.