Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Society & Culture
Business
News
Sports
TV & Film
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
00:00 / 00:00
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts221/v4/d1/3a/01/d13a01a0-d418-4a87-2e43-6fbd50843e46/mza_14052574165358138004.jpg/600x600bb.jpg
Maamul Wanaag
Somali Public Agenda
61 episodes
1 week ago
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...
Show more...
Government
RSS
All content for Maamul Wanaag is the property of Somali Public Agenda and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...
Show more...
Government
Episodes (20/61)
Maamul Wanaag
Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...
Show more...
1 week ago
47 minutes

Maamul Wanaag
Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya
Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Contact ...
Show more...
2 weeks ago
45 minutes

Maamul Wanaag
Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya
25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & ...
Show more...
1 month ago
1 hour 14 minutes

Maamul Wanaag
Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah
Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfe...
Show more...
1 month ago
48 minutes

Maamul Wanaag
Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Qeyb Kamid ah Madasha Samatabixinta
25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran Qeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle ...
Show more...
2 months ago
1 hour 1 minute

Maamul Wanaag
Change in the Air or Status Quo? Somaliland and AUSSOM
There is currently an active campaign in the United States urging President Trump to recognize Somaliland. Meanwhile, the future of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) remains uncertain. In this 56th episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Omar Mahmood, International Crisis Group (ICG) Senior Analyst for Somalia and the Horn of Africa. They discuss the ongoing lobbying efforts in the US for Somaliland recognition, how these efforts re...
Show more...
2 months ago
42 minutes

Maamul Wanaag
Uruurinta & Maareynta Dakhliga Canshuuraha ee Maamulka Gobolka Banaadir
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday daraasad ku saabsan dakhliga Maamulka Gobolka Banaadir, taas oo iftiimineysa ilaha dakhli ee Gobolka Banaadir, sharciga uruurinta canshuuraha, hannaanka wargelinta muwaaddinka, caqabadaha canshuur uruurinta iyo sida dakhligaas loo kharash-gareeyo. Qeybtan 55-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farhan Isak Yusuf oo ah Agaasime Ku xigeenka SPA, SPA Research Director & qoraaga daraasadda, ayaa ku ...
Show more...
3 months ago
42 minutes

Maamul Wanaag
Dastuurka, Doorashooyinka & WadahadalladaDowladda Federaalka & Mucaaradka
Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo socotay. Inkastoo gunaanadkii ay kasoobaxday in ay gogosha furan tahay, kulankii ugu ballaarnaawaxaa Muqdisho lagu qabtay 16-19 June, 2025. Hadda waxaasocda kulamo u dhexeeya dowladda federaalka & MadashaSamatabixinta Soomaaliyeed. Qeybtan 54-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge& Xasan Macallin Maxamuud oo ah Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka iyo sidoo kale guddoomiyaha guddigamaamulayay gogos...
Show more...
4 months ago
37 minutes

Maamul Wanaag
Shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran & Natiijadii Ka Soo Baxday
16-19 June, 2025 waxa Muqdisho ka qabsoomay Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso ee sanadkan. Gogosha waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, ururro siyaasadeed, xisbiyo ka socday Puntland, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Intii ay gogoshani socotay waxaa looga hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah: midnimada dalka, amniga, dhammeystirka dastuurka, dimuqraadiyadeynta iyo doorashooyinka. Gunaanadkii gogosha waxa lagasoo saaray war-murtiyeed iyo baaq.&nbs...
Show more...
4 months ago
32 minutes

Maamul Wanaag
Turkey in Africa: Influence, Strategy, and Mediation in the Horn
Nearly two decades after beginning its engagement with the continent, Turkey has emerged as one of the most active extra-regional actors in Africa. Its influence is particularly evident in the Horn of Africa, especially in Somalia and Ethiopia. In this 51st episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Dr. Federico Donelli, Assistant Professor of International Relations at the University of Trieste, Italy. They explore the evolution of Turkey’s engagement in Africa, its adapt...
Show more...
5 months ago
38 minutes

Maamul Wanaag
Geeddi-socodka Dowlad-dhiska Soomaaliya, Dib-u-eegista Dastuurka & Doorashooyinka
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u billowday sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Wakhtiga harayna waxa ay u muuqdaan in ay adag tahay in lagu dhameeyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Qeybtan 51-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Amb Ahmed Isse Awad oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isla gorfeynaya xaa...
Show more...
5 months ago
1 hour 28 minutes

Maamul Wanaag
Arrimaha Deegaanka Puntland & Asalka Khilaafka Dowladda Federaalka & Puntland iyo Sida Loo Xallin Karo
Dadaallo la xiriira arrimaha deegaanka ayaa ka socdoPuntland. Sidoo kale, dowlad-goboleedka ayaa dagaal kula jirta ISIS. Dhanka kale, xiriirka dowladda federaalka & Puntland ayaa hakad ku jiray muddo ka badan labo sano. Qeybtan 50-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge iyo Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimillada ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku falanqeynaya arrimaha deegaanka Puntland, dagaalka ka dhanka ah ISIS, &...
Show more...
5 months ago
45 minutes

Maamul Wanaag
Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Arrimaha Badda iyo Kaalinta Turkiga
12-kii December 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis loogu magacdaray Baaqa Ankara. Baaqa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiye. Heshiiskan waxaa ku jirtay in wadaxaajood farsamo la bilaabi doono bisha February 2025, laguna soo gabagabeeyo muddo 4 bilood ah. Qeybtan 49-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Fulinta ee Somali Pubic Agenda, Mahad Waasuge, iyo Wasiiru-...
Show more...
6 months ago
35 minutes

Maamul Wanaag
Booqashadii Raysalwasaaraha ee Laascaanood & Aqoonsiga SSC Khaatumo
12-kii April, raysalwasaaraha dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa safar dhowr maalmood qaatay ku tagay magaalada Laascaanood oo ah xarunta SSC Khaatumo. Waxa uu ahaa masuulkii ugu sarreeyay ee Jamhuuriyadda Saddexaad ee taga magaalada Laascaanood. Muddadii uu joogay raysalwasaaruhu waxa uu daahfuray mashaariic, isaga oo ku casuumay hoggaamiyaha SSC Khaatumo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna ku dhawaaqay in ay dowladda federaalka u aqoonsatay SSC Khaatumo dowlad-goboleed. Qeybtan 48-aad ee ...
Show more...
6 months ago
35 minutes

Maamul Wanaag
Qaab-dhismeedka Nidaamka Federaalka & Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya
Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta maaliyadda, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka Muqdisho. Qeybtan 47-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Ali Isse oo ah Agaasimaha...
Show more...
10 months ago
42 minutes

Maamul Wanaag
Heshiiska Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedellada Ku Dhici Kara Sanadka 2025
Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan.Qeybtan 46-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Afyare Cabdi Cilmi ayaa ku gorfeynaya geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo isbedellada ...
Show more...
10 months ago
50 minutes

Maamul Wanaag
Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa ay keentay 37 dhibcood (109 halbeeg). Ka qeyb galka bulshada 0 ayay ahayd (18 halbeeg), halka kor...
Show more...
11 months ago
34 minutes

Maamul Wanaag
Geeddi-socodka Dowlad-dhiska Soomaaliya: Caqabadaha & Fursadaha
Dowlad-dhiska Soomaaliya marxalado kala duwan ayuu soo maray, balse marka la eego xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, horumar ballaaran lagama sameynin. Maxaa Soomaaliya ka khaldan oo aan arrimaha siyaasadeed xal looga gaari karin, sidee ayayse tahay in loo wajaho arrimaha ugu waaweyn dowlad-dhiska Soomaaliya oo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda (dastuurka, federaaleynta iyo doorashooyinka), iyo qaddiyadda Somaliland?Qeybtan 44-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge...
Show more...
11 months ago
41 minutes

Maamul Wanaag
Hufnaanta & Isla Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda & Baaritaannada Xafiiska Hantidhowrka Guud
Dhawaan warbixinno la xiriira baaritaanno uu ku sameeyay 19 hay’ad dowladeed ayuu daabacay Xafiiska Hantidhowraha Guud. Warbixinnada waxaa ku jira natiijada khaladaad kala duwan oo lagu ogaaday baaritaannada oo ay sameeyeen xafiisyo kala duwan ee dowladeed. Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Axmed Ciise Guutaale oo ah Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa ku gorfeynaya nuxurka warbixinnada uu soo saaray xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kaalinta ay baaritaannadan k...
Show more...
1 year ago
38 minutes

Maamul Wanaag
Dadaallada Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka: Caqabadaha iyo Fursadaha
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, degmooyin & deegaanno intooda badan ku yaalla maamullada Galmudug & Hirshabelle ayaa soo galay gacanta dowladda. Dadka dega deeggaannadaas waxa ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamij xasilin oo si gaar ah loogu talo galay ayaa qorshisiisa billowday. Sidoo kale Ergayga Gaarka ah ee Xasilinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka ayuu madaxweynaha magacaabay. Markii uu golaha fulinta IGAD xubin ka noqday Ergaygii hore ayaa Cu...
Show more...
1 year ago
37 minutes

Maamul Wanaag
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...