All content for Kabasho is the property of Hamda Hussein and is served directly from their servers
with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan.
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan.
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan.