Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Society & Culture
Business
Sports
History
News
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
00:00 / 00:00
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts221/v4/eb/d2/39/ebd2399c-97b5-c6b5-face-338da0a12a03/mza_14822820443156574669.jpg/600x600bb.jpg
Hab Fikirka Tarmuuska
Hodan Hilmi
56 episodes
11 hours ago
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!
Show more...
Self-Improvement
Education
RSS
All content for Hab Fikirka Tarmuuska is the property of Hodan Hilmi and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!
Show more...
Self-Improvement
Education
Episodes (20/56)
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP5: Naftaada Baro, Ka Billow Fikirkaaga 💭 Qaybtii Kowaad | Dhugataye Maxaad Dhigi?
                                Bismilaah; Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭  
Show more...
11 hours ago
32 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP4: Naftayda oon jeclaado, ma danaysi baa? 💞 | Dhugatayee Maxaad Dhigi
                             Bismilaah; Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭  
Show more...
1 week ago
21 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP3: 🎙️ Naftaada Ma Jeceshahay? Haa, Hadaba fadhiga Ka Kac! | Dhugatayee Maxaad Dhigi
                                  Bismilaah; Mararka qaar fadhigu waa nasasho,laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna.  ⏳Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫    
Show more...
2 weeks ago
29 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep2: Sabab ayuu isbeddelku u adagyahay? Iyo Maxamed Cali | Dhugataye Maxaad Dhigi?
                                Bismilaah; Qaybtan waa wada sheekaysi furan oo uu nagala soo qayb galay Maxamed Cali, annagoo si hufan uga hadlayna micnaha iyo ujeeddada “Dhugataye Maxaad Dhigi?” 💭Ayaan hadana wadaagnay sheeko ku saabsan fahamka, dhaqanka, iyo dib u milicsiga, sidoo kalena dib u eegnay waxa aan ka dhaxalnay iyo waxa aan rabno inaan dib u qorno ✍️🌱 Dhagaysi Wacan!  
Show more...
3 weeks ago
52 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep1: ✨ Hal sano oo Podcasting ah iyo 50 xalqadood maxay i bareen? | Dhugataye Maxaad Dhigi!
                             Bismilaah; Haddii aad weligaa ku hamin jirtay inaad wax qabato 💭, ay jirto fikrad mar walba kugu soo noqnoqota  mid aad rabtay inaad bilowdo laakiin aadan weli ku dhiiran 😔 ama aadan garan sida loo bilaabo 🚶‍♀️…Haddii ay saas tahay, qaybtaan waa tii aad ka heli lahayd talooyin iyo  xooggii aad wax ku bilaabi lahayd  🎧✨  
Show more...
4 weeks ago
52 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
🎬🎙️ Season 4 Trailer | Dhugatayee Maxaad Dhigi 🕊️📜
                              Bismilaah;  🎙️ Season 4 Trailer; Waa waqtigii aan dib u xusuusanlahyn wixii aan qornay, aan sharafno qaybaha wanaagsan ee na sameeyey, iyo aan geesinimo u yeelanno inaan dib u qorno wixii aan noo adeegayn. 🌍✨Dhaqanku waa awood, wuu na qaabeeyaa, laakiin waa aan anagu Qorno.  🪔📜Hadda qalin adiga ayuu gacantaada ku jira. Maxaad u gudbin doontaa carruurta iyo jiilasha soo socda? 🕊️💛 Ku soo dhawaaw season-ka 4.aad iyo Dhugatayee maxaad dhigi! 
Show more...
1 month ago
1 minute

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP16 Final Ep : Dhimashadu ma dhammaad baa? ❓ – Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?
                             Bismilaah; Qaybtan waxaan ka sheekeynayaa sida ubaxu u dhasho, u koro, u qurux bato, ugu dambeyntiina u engego. 🌸 Laakiin… ma halkaas baa sheekadu ku dhammaataa? Waxaan ku milicsanay nolosha bini’aadamka, marxaladaha kala duwan ee aan soo marno, iyo runta weyn ee dhimashadu in aysan ahayn dhammaadka , balse ay tahay bilow cusub, Akhira. 🌙✨ Mahadsanid inaad ila soo socotay intii lagu jiray Season 3.💛Tani ma aha dhammaad… waa bilow cusub oo Season 4 ah, inshaa’Allah. 🌱🎉
Show more...
1 month ago
29 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP15: Deegaanka miyaa go'aamiya horumarka? 🌍🌱| Ma Fiyoorahaa Mise Waa Fikirkayga
                              Bismilaah; Ubaxa Lotus wuxuu ku dhashaa dhoobo iyo biyo wasakh ah, haddana wuxuu noqdaa mid ka mid ah ubaxyada ugu quruxda badan adduunka. 🎋Casharka? Waxaa jira qurux iyo awood gudahaada ah, xitaa haddii deegaankaagu adag yahay. 💪🏽✨Qeybtan waxaan ku baran doonaa sida fikradahaaga iyo waxa aad quudiso maskaxdaada ay u qaabeeyaan noloshaada. Iyo sida aad ugu abuuran karto qurux iyo xoog, meel kasta oo aad joogto. 🌍🌸  
Show more...
1 month ago
38 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP14: Qof kastaa wuxuu leeyahay Socod u gaar ah, waa kee socodkaagu?🚶🏾‍♀️🧕🏾🐌🐜 | Mindset Shift
                                 Bismilaah; 🐌✨ Qaybtan cusub ee Mindset Shift waxa aan daaha ka qaadeynaa casharro qoto dheer oo laga barto Cali_Dhareerowga (sluga) gaabiska. Maxaa yeelay, noloshu mar walba degdeg ma aha. Quraanjadu waxay na bartaan xawaare iyo wadajir, halka slugu uu na baro dulqaad iyo Adkaysi. 👉 Haddaba, sidee ayay u dhici kartaa in waxa aad u aragto daciifnimo ay dhab ahaantii noqdaan xooggaaga?👉 Sidee ayaad uga dhigi kartaa culayskaaga mid iftiin kuu noqda, halkii uu kuu noqon lahaa culeys? Dhagayso qaybta oo ogaaw: ✨ Sheekadaada guusha weli way ku sugeysaa.
Show more...
1 month ago
26 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03ep13: Caqabadaada kaliya waa TELEFOONKA!
                           Bismilaah Xalqadaan waxaa igu wehliya Fatush iyo Iftin, waxayna wax badan naga yiraahdeen Scroll-ka, dhibaatadiisa, iyo waxa aan ku xalin karno. Dhagaysi Wacan!
Show more...
2 months ago
52 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP12: Noqo Mashquul, Mugdi Ha Ku Qaadan Dayrta /Autumn 🍂
                                     Bismilaah;  Dayrta iyo mugdiga jiilaalka ha ka baqin! 😌✨ Baro sida loo ga hortago murugada aan dhicin, loo helo farxad, iyo sida maskaxda loo beddelo si xilliga dayrta ay kuu gu noqdo mid wax soo saar leh. 🌟 3 talooyin fudud: diiradda saar, kuwaan soo socda! 🍁💪  
Show more...
2 months ago
41 minutes 20 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP11: Ma adigaa haya hoggaanka noloshaada 🚀 mise kuwani? 🤔💭😟⏳
                             Bismilaah; ✨ Qaybtan waxaan ka hadleynaa khatarta ugu weyn ee aan badanaa iska indha tirno: wax samayn la'aan (Doing nothing) . Mararka qaar nasashada ujeeddo leh 🧘‍♂️ waxay nolosha keentaa degenaansho, balse marka fikir badan 💭, cabsi 😟 iyo dib u dhigista ⏳ ay xukunka qabsadaan , waxaad ku dambayn doonaa waxba qabanin. Haddaba, ma adigaa haya hoggaanka noloshaada mise kuwani? 🌅💪
Show more...
2 months ago
33 minutes 54 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP10: 🌸 Quruxda Kala Duwanaanta 🌸(Ma fiyoorahaa mise waa Fikirkayga)
Bismilaah; Episode-kan waxaan ku eegaynaa sida dunida ubaxyadu inoogu barayaan casharro muhiim ah 🌼. Midabyo kala duwan, udug kala duwan, iyo xilliyo kala duwan, dhammaantood waxay ka tarjumayaan kala duwanaanta bani’aadamka 🌍. Quruxdu ma ku jirtaa isku ekaanshaha? Maya! Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanta, fahamka, iyo aqbalaadda. 🫶✨ Dhagaysi wacan!    
Show more...
3 months ago
34 minutes 46 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP9: Hordhaca taxanaha "Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?"
                                 Bismilaah; 🎙️ Qeybtan hordhaca ah ee taxanaha cusub, waxaan si tartiib ah ugu guda galeynaa ka faa’iidaysiga ubaxa 🌸 iyo halka uu nolosheena ka shabaho. Muxuu adigu ku xasuusiyaa ubaxu? 🌷💭Qurux? Xilli roobaad? Xasillooni? Mise wax kale? FG: Arrimo farsamo dartood ayay xalqadan dib u dhac ku yimid. Sida caadiga ah waa la soo gelin lahaa Khamiista. Mahadsanid dulqaadkaaga. 💛  
Show more...
3 months ago
6 minutes 16 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP8: Markii Aan Dib Isu Eegay… 90-kii Labaad ee 2025-ka!
                            Bismilaah; Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsanno koboc.   🎯 Marka adiga, sidee bay kuu dhaafeen 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay? Maxaad ka baratay, maxaadse diyaar u tahay inaad ku hagaajiso 90-ka xiga?  
Show more...
4 months ago
21 minutes 35 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP7: Capture It, Before It Fades ⏳✍️
                                 Bismilaah; ⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️. Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨
Show more...
4 months ago
11 minutes 59 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP6: Marka Maskaxdu Buuxsanto… Dhaqaaq! 🚶‍♀️🌀
                            Bismilaah; 🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa  ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️? 🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah. Dhagaysi wacan! 🎙️✨
Show more...
4 months ago
17 minutes 35 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP5: Roobku muxuu ku xasuusiyaa? 🌧️🪷💭☔️
                              Bismilaah; Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis.  Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚. Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag, adigoo isweydiinaya:"Roobku muxuu i xasuusinayaa?" 🌧️💬  
Show more...
4 months ago
15 minutes

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP4: Wareeji Qalinka,✍️Dhaqaaji Maskaxda🧠 Sirta Tijaabinta Xirfadaha 🔓Cusub
                                 Bismilaah; Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️‍♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍
Show more...
5 months ago
36 minutes 32 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP3: Xagee ayaad maanta joogtaa? 🌊🦆
                              Bismilaah; Xagee ayaad maanta joogtaa?Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆 Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kastaa uu qiimo leeyahay — xitaa kan aan la arkin.  
Show more...
5 months ago
19 minutes 20 seconds

Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!