Home
Categories
EXPLORE
True Crime
Comedy
Business
Society & Culture
Sports
Health & Fitness
Technology
About Us
Contact Us
Copyright
© 2024 PodJoint
Loading...
0:00 / 0:00
Podjoint Logo
US
Sign in

or

Don't have an account?
Sign up
Forgot password
https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts221/v4/37/83/25/3783257e-0aad-3b8c-376d-8ce775df14ad/mza_3857296833899365941.jpg/600x600bb.jpg
Adeeg Wanaag
Somali Public Agenda
55 episodes
2 weeks ago
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasa...
Show more...
Government
Education
RSS
All content for Adeeg Wanaag is the property of Somali Public Agenda and is served directly from their servers with no modification, redirects, or rehosting. The podcast is not affiliated with or endorsed by Podjoint in any way.
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasa...
Show more...
Government
Education
Episodes (20/55)
Adeeg Wanaag
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ...
Show more...
3 weeks ago
1 hour 1 minute

Adeeg Wanaag
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, ...
Show more...
2 months ago
33 minutes

Adeeg Wanaag
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dha...
Show more...
3 months ago
47 minutes

Adeeg Wanaag
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)
Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger. #SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda Contact Somali ...
Show more...
5 months ago
45 minutes

Adeeg Wanaag
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin? Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado. Contact Somali Publi...
Show more...
6 months ago
40 minutes

Adeeg Wanaag
Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?
Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan. Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka...
Show more...
6 months ago
1 hour 11 minutes

Adeeg Wanaag
Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda
Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegis...
Show more...
6 months ago
47 minutes

Adeeg Wanaag
Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD,...
Show more...
7 months ago
36 minutes

Adeeg Wanaag
Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falanq...
Show more...
8 months ago
37 minutes

Adeeg Wanaag
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka.Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa k...
Show more...
8 months ago
28 minutes

Adeeg Wanaag
Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada? Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, i...
Show more...
9 months ago
24 minutes

Adeeg Wanaag
Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimah...
Show more...
9 months ago
27 minutes

Adeeg Wanaag
Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay. Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan si...
Show more...
1 year ago
49 minutes

Adeeg Wanaag
Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay. Qeybtan 22-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu w...
Show more...
1 year ago
32 minutes

Adeeg Wanaag
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka ...
Show more...
1 year ago
59 minutes

Adeeg Wanaag
Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan. Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Mahad Faarax Shaaciye oo ka tirsan bahda waxbrashada asaasiga ah, islama...
Show more...
1 year ago
43 minutes

Adeeg Wanaag
Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed &am...
Show more...
1 year ago
44 minutes

Adeeg Wanaag
Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan g...
Show more...
1 year ago
59 minutes

Adeeg Wanaag
Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay. Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hab...
Show more...
1 year ago
38 minutes

Adeeg Wanaag
Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen &...
Show more...
1 year ago
59 minutes

Adeeg Wanaag
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasa...